Welcome To Dusamareeb City

06 may 2023 Heshiis hordhac ah oo laga gaaray dhacdadii dhexmartay beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay inta udhaxaysa Hulkujir iyo Qalaanqalle oo daga degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraalle.

06 May

Guddoomiyaha degmada dhuusamareeb Ahna Duqa Caasimada Mudane Abdirahamaan Ali mohamed geeda qoroow  ayaa ka qeyb galay sooxiritaanka heshiiska Nabadaynta Wajiga koowaad ee lagu xalinayay dhacdadii dhexmartay beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay inta udhaxaysa Hulkujir iyo Qalaanqalle oo daga degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraalle.

Kulanka  oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Degmada caabudwaaq, Gudoomiyaha Degmada xeraale Nabadoono, Culumaa’udiin iyo waxgaradka ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel oo hormuud u ahaa guddoomiyaha caasimadda Galmudug mudo 10 cishe ahna ku sugnaa goobihii lagu dagaalamay si ay u bud-dhig ugu noqdaaan heshis dhexmara beelahaan walaalaha ah ayaa maanta si wada jir ah usooo soo sooray qodobadan hoose.

1. In dhamaan dadka walaaluhu ay si wada jir ah u qaataan nabadda iyo xasiloonidda degaanka.

2. In Labada beelood ka saraan  maleeshiyaadkii dagaalamay goobaha ay horay ugu sugnaayeen.

3. In 16 bishan May uu shirka wajigiisa  labaad ka  furmo caasimadda Galmudug.

4. In La joojiyo deegaameeynta dhul daaqsimeedka labada dhinacba.

5. In amniga Guud ee degaanka ay masuuliyad ka saarantay booliska uguna shaqeyaan goobahaas si hufan .

Dhamaad

Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb