Welcome To Dusamareeb City

Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow oo ka qayb galay Xaflada qalin jebinta ardayda machadka caydaruus- laantiisa Gadoon.

19 Apr

Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow oo ka qayb galay Xaflada qalin jebinta ardayda machadka caydaruus- laantiisa Gadoon.

Gadoon 19 April 2024: Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow oo ka qayb galay Xaflada qalin jebinta ardayda machadka caydaruus- laantiisa Gadoon.
Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow ayaa ka qayb galay xaflad qalin jabin oo ka dhacday Deegaanka gadoon oo ay arday ka baratay xifdinta iyo qiraa’aadka quraanka Machadka Caydaruus lantiisa Gadoon.
Gudoomiyaha ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dadaalkooda rabina uga baryay in Cilmiga ay bartaan ku anfaco, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyay walidka ardayda ugana mahadceliyey dadaalkii ay geliyeen caruurtu in ay wax bartaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay faa’iidada uu leeyahay quraanka dadkana ku dhiirigeliyey in ay bartaan quraanka baraana caruurtooda.
Dhamaad
Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb