Welcome To Dusamareeb City

Dhuusamaeeeb , April 4 , 2024 : Gudoomiye ku xigeenka maamulka Caasimadda Mudane Dr Abdisamad Salad Aadan, Xubno ka kala socday Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Galmudug iyo hay,adaha Gargaarka oo kormeeero wacyigelineed ka sameeyay Xaafadaha waxarcadde, Dayax iyo kaamamka dadka barakacayaasha ah ay ku noolyihiin ee Caasimadda.

04 Apr

Kormeerkan oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku xigeenka Caasimada Mudane Dr Abdisamad Salad Aadan ayaa ujeedada guud ee lagala laha waxa ay ahayd sarre u qaadista wacyiga dadka degan xafadaha  waxarcadde & Dayax ee ku aadan sida looga gaashaaman lahaa dhibatooyinka roobabku ka gaystaan xafadahaasi.

Gudoomiyaha ayaa dadka xafadahaas ku dhiirigeliyey in fariinta wacyi gelinta la gaarsiiyo qof kasta loona diyaargaroobo dhibatooyinka ka dhalan kara roobabkaas sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u sheegay dadka caasimada in maamulku u diyaarsanyahay ka falcelinta dhibaatooyin nucaasi oo kala ah uuna diyaariyey meelihii lagu samata bixin lahaa dadka dhibatooyinku wax gaarsiiyaan.

Sidoo kale Madax ka socotay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Galmudug iyo hay,adaha Gargaarka oo iyaguna dadka la hadlay ayaa ugu baaqay ka fogaanshaha meelaha biyuhu kusoo rogman karaan kuna dhiirigeliyay dadka xafadahaas in ay iscaawiyaan xiliyadda dhibatooyinka.

Dhamaad

Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb