Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, oo kaashanaya maamulka iyo bulshada xaafadaha Dayax Waxaracade, qaar kamid ah golaha degaanka Agaasimaha Dowladda Hoose ayaa wada dadaalo looga gaashaamanayo Fatahaadaha ay keenan roobabka kala duwan ee ka da’a Caasimadda.
DHUUSAMREEB 03/4 April 2024
Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, oo kaashanaya maamulka iyo bulshada xaafadaha Dayax Waxaracade, qaar kamid ah golaha degaanka Agaasimaha Dowladda Hoose ayaa wada dadaalo looga gaashaamanayo Fatahaadaha ay keenan roobabka kala duwan ee ka da’a Caasimadda in laga hortago dhibaatooyin kale oo fatahaaduhu sababan aysan dhicin u diyaar garowga digniinaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee ku aaddan cabsida laga qabo daadad iyo fatahaaddo ka dhasha Roobab Mahiiggaan ah oo ka di’i doonna Gobollada kale duwan ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Caasimada mudane Dr Cabdisamad Salaad Aadan, ayaa kormeeray goobo ey kasocotay shaqada Dayaxtirka biyaha xireenka Caasimada .
Sidoo kale Agaasimaha Howlaha guud iyo Dhulbixinta dowladda hoose ee Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb Mudane Abdulqadir Nuur Mohamed (Ogaal) oo ka warbixiyay shaqada socota ayaa
Bulsho ,weynyta Caasimadda ugu baaqay in ay maamulka ku garabsiiyaan shaqadda iyo dadaalada xalka loogu helayo maraynta iyo ka hortaga daadadka.
Dhamaad
Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb