Welcome To Dusamareeb City

MAAMULKA CAASIMADDA DHUUSAMARREEB, OO XALAY SOO AGGAASIMAY KULLAN DADWEYNE KUNNA SAABSANAA DOORKA BULSHADDA AY KU LEEDAHAY NABADDA IYO DIB U HESHIISIINTA.

13 Dec

Dhuusamarreeb, December 13, 2023; Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, ayaa soo aggaasimay kullan dadweyne oo ku saabsanaa doorka bulshadda ay ku leedahay nabadda iyo dib u heshiisiinta deegaanadda Galmudug. Waxaa abaabulka kullanka qeyb ka ahaa jaamacadda Plasma faraceeda gobolka Galgaduud.

Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, ayaa kullanka ku Marti qaday madasha nabadda iyo Horrumarinta, odoyaasha dhaqanka, qaar ka midda Cullima-owdiinka gobolka Mudug, oo maalmahan Caasimadda Dhuusamarreeb u joogay arrimo la xirriira nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Kullanka waxaa ka qeyb gallay guddoomiyaha gobalka Galgaduud, guddoomiye ku xigeenka maamulka Caasimadda, agaasimayaal, guddoomiyaasha xaafaddaha, aqoonyahanno, abwaanno, bahda waxbarashadda, Cullima-owdiin, odoyaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii kala duwannaa ee lagu Casuumay munaasabadda ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxeyna si wada u sheegeen in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta nabadda, dowladda Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cid waliba oo nabadda u taaggan ay ku garabsiinayaan.

Dhammaad.