Dhuusamareeb, Khamiis 18 April, 2024:- Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow oo shir gudoomiyey kulanka khamiislaha ee maamulka caasimadda.
Dhuusamareeb, Khamiis 18 April, 2024:- Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Mohamed Geeda qorow oo shir gudoomiyey kulanka khamiislaha ee maamulka caasimadda.
Gudoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Dhuusamareeb , oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka maamulka Caasimadda mudane Dr Cabdisamad Salaad Aadan iyo Xoghayaha maamulka mudane Cabdisalaam Caabi Aadam, ayaa shir guddoomiyay kulanka khamiislaha, oo diiradda lagu saarray Loogana warbixiyay habsami u socdka shaqada iyo caqabadaha guud ee jirra.
Kulanka oo ay soo xaadireen agaasimayaasha maamulka iyo madax qeybeedyadda, ayey si wada jir ah mas’uuliyiinta sare ee maamulka ula wadaageen warbixin howleedyada xafiisyadda loo idmaday, caqabadaha shaqada ay la kulmeen Todobaadkaan iyo dar-dargalintoodda.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey safar uu dhawanahan dalka dibbadiisa ugu maqnaa iyo guulaha laga soo gaaray safaradaas waxa uuna sidoo kale amray in la dardar galiyo howlaha Horutabinta u leh hormarinta Caasimadda , iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada Dowladda Hoose Caasimadda Dhusamareeb ay bixiso.
Dhamaad
Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb