Welcome To Dusamareeb City

GUDDOOMIYAHA MAAMULKA CAASIMADDA, OO SHEEGAY DAGAALKA KHAWAARIJTA INNUU AMRAY NABIGEENNA MUXAMMED SCW.

06 Oct

Dhuusamarreeb, 06 Oktoobar, 2023; Guddoomiyaha maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, ayaa ka qeyb-galay kullan iskugu jiray taageerid iyo dhiirigalin loo sameynayey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Difaaca shacabka Soomaaliyeed, Dagaalka ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Kullanka waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka kala tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladda Galmudug, odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha maamulka Caasimadda, mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, ayaa ku sifeeyey kullaan innuu midyahay mid wanaagga la isku farrayo, ayaa tilmaamay innuu Alle Nimco weyn siiyey dadka go’aansaday in ay la diriraan Khawaarijta, guddoomiyuhu wuxuu siddoo kale sheegay khawaarijta uu Nabigeenna Muxammed SCW, innuu amray dagaalkooda ayna bannaantay meeshii lagu arko in lagu dillo.

Dhammaad.