Welcome To Dusamareeb City

Maamulka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, oo ka Qeeb galay,dhagax dhiga Xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad.

11 May

Maamulka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, oo ka Qeeb galay,dhagax dhiga Xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad.

 

Maamulka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb,

oo ka Qeeb galay,dhagax dhiga Xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad.

Dhuusamarreeb, 11-05-2024, gudoomiyaha Degmada dhuusamareeb Ahna Duqa Caasimada   Abdirahman  Ali mohamed. Geeda qoroow  oo ay wehlinayaan Madaxweynaha  Galmudug Ahmed abdi Kaariye qoor qoor,mudanayaal ka tirsan labada Gole Dowladda,Ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada caasimadda Galmudug ,

Xafiiskaan waxa uu maamuli doonaa dhismaha  11 waddo oo caasimadda Dhuusmarreeb dhex marta iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah, sidoo kale waxaa qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah & qaar kale,

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii gacanta ka siiyay taabba gelinta mashruucan:

Dhamaad,

Xaafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Dowlada hoose ee Dhusamareeb