MAAMULKA CAASIMADDA DOWLADDA GALMUDUG EE DHUUSAMARREEB, OO SHIRKADDA AMIIRA, KU WAREEJIYEY NADAAFADDA GUUD EE CAASIMADDA.
MAAMULKA CAASIMADDA DOWLADDA GALMUDUG EE DHUUSAMARREEB, OO SHIRKADDA AMIIRA, KU WAREEJIYEY NADAAFADDA GUUD EE CAASIMADDA.
Dhuusamarreeb, Oktoobar 02, 2023; Guddoomiyaha maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, ahmiyad weyn siinnaya nadaafadda iyo bilicda caasimadda, ayaa shirkadda Amiira oo ah shirkad nadaafaddeed oo gaar loo leeyahay ku wareejiyay ka shaqeynta nadaafadda Caasimadda Dhuusamarreeb.
Xaflad iskugu jirtay Daah-fur iyo wareejin oo ka dhacday xarunta Dowladda hoose, ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha magaaladda Dhuusamarreeb ahna Duqa Caasimadda, xoghayaha maamulka, mas’uulliyiinta shirkadda, qaar ka midda agaasimaasha maamulka, guddoonka gudiyadda xaafadda iyo mas’uuliyiin kale.
Maamullaha shirkadda Amiira mudane Cali Maxamed Muuse, ayaa soo dhaweeyay daahfur-ka iyo la wareeggitaanka nadaafadda Caasimadda, ayaa ka codsaday dadweynaha Caasimadda in ay kala shaqeeyaan nadaafadda iyo bilicda caasimadda.
Guddoomiyaasha gudiyadda xaafaddaha waracadde iyo Horseed, oo ku hadlayey afka gudiyadda xaafaddaha, ayaa soo dhaweeyay in nadaafadda Caasimadda lagu wareejiyo shirkadda Amiira, ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan nadaafadda Caasimadda.
Guddoomiyaha magaaladda Dhuusamarreeb ahna duqa Caasimadda, mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, ayaa sheegay gallabta wixii ka danbeeya nadaafadda Caasimadda Dhuusamarreeb, innuu maamulku u xilsaaray shirkadda Amiira oo ah shirkad nadaafaddeed oo gaar loo leeyahay, guddoomiyaha ayaa sheegay innuu maamulka waaxda nadaafadda u qaabilsanyahay mudane Shariif Maxamed Geeddi, wixii dowladda hoose looga baahanyahay innuu masuul kaga yahay, isaggoo u dhaxeynayo maamulka iyo shirkadda, kulana xisaabtami doonno mas’uuliyaddooda iyo sidda ay shaqadda u qabtaan.
Guddoomiyaha maamulka Caasimadda, ayaa ugu danbeyn shirkadda Amiira, ku amray qashinka in ay geeyaan goobaha loogu tallo galay, magaaladdana aysan qashin ka qaadi karin baabuur aan eheen kuwa shirkadda Amiira, ciddii lagu arkaanna ay muddan doonto ganaax, hay’addaha amniga wuxuu faray guddoomiyuhu baaburtaas aan eheen kuwa shirkadda in ay sharcigga hor keenan.
Dhammaad.