Xoghayaha maamulka Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb Mudane Cabdisalaan Caabi Aadan, Ayaa Galabta kadaahfuray garoonka ciyaraha Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, koob ay ku tartamayaan ciyaartooyda Horyaalka heerka 2aad kooxaha Caasimadda Dhusamareb.
08-02-2024 Dhuusamareeb
Xoghayaha maamulka Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb Mudane Cabdisalaan Caabi Aadan,
Ayaa Galabta kadaahfuray garoonka ciyaraha Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, koob ay ku tartamayaan ciyaartooyda Horyaalka heerka 2aad kooxaha Caasimadda Dhusamareb.
Koobkaan ayaa waxaa ka qayb galaya kooxo gaaraya sagaal kooxood, waxaana lugu daahfuray ciyaarta koowaaad kaaxaha kala ah *Fc walaalaha iyo New star*
Xoghayaha’ Maamulka Caasimadda ayaa dhalinyarada Sportska Caasimadda, kula dardarmay in ay muujiyaan ciyaar wanaag, ciyaaruhuna ka qayb qaataan is dhexgalka Bulshada iyo sara u qaadista Nabadda.
Xoghayaha Ayaa maamulka sportska ubalan qaaday in maamulka Caasimaddu markasta garab taagan yahiin dhalinyarada sportska, ayna kala shaqeyn doonaan arimaha lugu hormarinayo Sportska Caasimadda.
Ugu dambeyn ciyaartii udhaxeyday labada kooxood ee horyaalka lugu furay ayaa kusoo dhamaatay walaalha 3: New str 0
Dhammaad